Rivaldo oo ku dooday inuusan ku sugneen Real Madrid ciyaaryahan awooda inuu buuxiyo booska Cristiano Ronaldo

(La Liga) 23 Okt 2018. Laacibkii hore kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil Rivaldo ayaa sheegay inay u muuqato inaysan jirin cid awooda inay buuxiso booskii uu kaga tagay Cristiano Ronaldo kooxda Real Madrid.

Sidoo kale Rivaldo ayaa sheegay in si la mid ah inaan la xalin karin booska Lionel Messi ee kooxda Barcelona kasoo dhaawaca kaga maqan haatan.

“Ronaldo waa ciyaaryahan weyn, kaliya ma ahan goolashiisa, ee sidoo kale shaqsiyadiisa weyn sababtoo ah wuxuu neceb yahay guuldarada, wuxuu si weyn ugu caawin jiray saaxiibadiis gudaha garoonka, waxayna u muuqataa in aan cidna badali karin booskiisa”.

Sidoo kale Dhowr maalmood kahor kulanka El Clásico ayuu Rivaldo ka hadlay xaalada kooxda Real Madrid: “Waxaa muhiim ah in sida ugu dhaqsida badan looga hortago cambaareynta, laakiin ma hubo in xiligan ay tahay waqtigii ku haboonaa ee la badali lahaa macalinka”.

“Lakiin xaqiiqda ayaa ah in natiijooyinka xun ay sii adkeyn karaan xaalada isla markaana ay sare u qaadi karaan cadaadiska jira, bal aan aragno waxa uu ka badali karo Julen Lopetegui xaaladan adag ay ku jirto Real Madrid”

“Antonio Conte waxaa suuragal ah inuu noqdo badal muhiim ah, sababtoo ah waa macalin aad u wanaagsan, isla markaana leh sumcad weyn, wuxuuna ku haboon yahay Real Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close