Ozil oo xalay rikoor gaar ah ka diiwaan gashaday Premier League!!

(London) 23 Okt 2018 Mesut Ozil ayaa xalay loo xiray kabtanimada kooxda Arsenal, wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa inay guul ka gaarto Leicester City.

Ozil ayaa gool u dhaliyay Arsenal kulankii xalay, sidoo kale wuxuu ka caawiyay Aubameyang inuu dhaliyo goolkii 3-aad.

30 jirkaan ayaa sidaas ku noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda Premier League gaar ahaan xiddigaha ka soo jeeda Jarmalka.

Ozil ayaa ka dhaliyay Premier League 30 gool, mana jiro laacib Jarmal ah oo tiro goolal intaas la eg ka dhaliyay horyaalka ingiriiska.

Sidoo kale, wuxuu noqday xiddigaha ka soo jeeda Germany kan ugu caawinta badan Premier League, wuxuuna caawiyay 51-gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close