Mourinho oo caawa u diyaariyay abaal marin xiddigiisa Anthony Martial

(Manchester) 23 Ot 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa caawa abaal marin u diyaariyay laacibkiisa Anthony Martial.

Idaacada RMC ee dalka France ayaa daaha ka qaaday in Mourinho uu go’aansaday inuu ku soo bilaabo Anthony Martial kulanka caawa ee Juventus.

Image result for Martial Mourinho

Go’aanka tababaraha reer Portugal ayaa imaanaya kadib bandhigii Anthony Martial ee kulankii Chelsea markaas oo uu dhaliyay 2-gool.

Xiriirka u dhexeeya Mourinho iyo Martial ayaa gaarsiisnaa meel xun, xiddiga reer France ayaana qorshaynayay inuu ka tago kooxda suuqa Janaayo.

Laakiin is fahamka labadaan shaqsi ayaa u muuqda mid dib u soo laabanaya kadib kulankii Chelsea, Mourinho ayaana doonaya inuu ku soo bilaabo kulanka caawa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close