Mino Raiola oo ka hor istaagaya Matthijs de Ligt inuu ku biiro Barcelona

(Turin) 23 Okt 2018 Wakiilka xiddiga kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa isku dayaya inuu u dhaqaaqo horyaalka talyaaniga.

19 jirkaan daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa si wayn u doonaya ku biirida kooxda Barcelona.

Laakiin sida muuqata wakiilkiisa ayaa ku cadaadinaya inuu ku biiro kooxda Juventus oo dhankeeda dadaal xoogan ugu jirta saxiixiisa sida ay baahisay CalcioMercato.

Kooxo badan oo ay ku jiraan PSG, Inter Milan, Manchester City, Juventus iyo Barcelona ayaa isku haysta saxiixa Matthijs de Ligt.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay aad u adag tahay in Ajax ay iska fasaxdo Matthijs de Ligt suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close