Massimiliano Allegri oo ka warbixiyay qorshihiisa kaga aadan kulanka Manchester United ee tartanka Champions League

(Juventus) 23 Okt 2018. Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa shaaca ka qaaday qaab ay ula ciyaari doonto kooxda Juventus kulanka Manchester United ee wareega 3-aad ee tartanka Champions League.

Kooxda Juventus ayaa caawa ku booqan doonto dhigeeda Manchester United garoonka Old Trafford si ay u wada ciyaaraan kulankooda 3-aad group-ka H ee tartanka Champions League.

Hadaba Massimiliano Allegri ayaa kahor kulanka wuxuu ka warbixiyay qorshihiisa kaga aadan kulanka caawa ay kula ciyaari doonaan Manchester United tartanka Champions League.

“Waxaan ku ciyaari doonaa 4 difaac ee gadaale kulanka caawa ee Manchester United, khadka dhexe waxaan kusoo gali doonaa isla tiradan”.

“Manchester United waxay noqon doontaa mid aad u adag, waa koox xoogan ee awood leh, laakiin waa inaan kulankan si maskaxiyan diirada u saarnaa”.

“Wuxuu noqon doonaa kulan dhex mari doona laba kooxood ee waaweyn,  ee heysta ciyaartoy da’ayar ee heersare ah, waxay tijaabo fiican u tahay ciyaartoyda kooxda Juventus marxaladahan oo kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close