Manchester United oo Aflagaadaysay Juventus ka hor kulankooda caawa!

(Manchester) 23 Okt 2018 Manchester United ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadaysa kooxda Juventus kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Champions League.

Kooxda tababare Mourinho ayaa kulanka ka hor aflagaado u gaysatay kooxda Juventus oo ay ugu magac dartay “Kooxdii tuugada”.

Sida ay baahisay TuttoSport, Magacaan waxaa u yaqaana Juventus taageerayaasha horyaalka talyaaniga gaar ahaan kuwo Inter Milan, Napoli iyo Fiorentina.

Magaacaan ayaa loo bixiyay Juventus 2006 markaas oo lagu helay fadeexadii CalcioPoli taas oo sababtay in dib loogu celiyo horyaalka heerka labaad ee talyaaniga.

Lama oga jawaabta ay Juventus ka bixin doonto aflagaadada uga timid Manchester United, balse waxaa xusid mudan in Juventus ay caawa xooga saarayso sidii ay ugu soo gudbi lahayd wareega 16-ka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close