“Kama helo qaab ciyaareedka Jose Mourinho” – Xavi Hernandez

(Manchester) 23 Okt 2018 Kabtankii hore ee Barcelona ayaa si cad u sheegay inuusan jeclayn qaab ciyaareedka tababaraha Manchester United.

Xavi Hernandez ayaa cadeeyay in Mourinho uu yahay tababare xooga saara qaab difaaceed u diidaya kooxda ka soo horjeeda inay hesho fursad ay ku ciyaarto kubadd qurxoon.

Wuxuu diiday inuu dhaleeceeyo qaab ciyaareedka Mourinho, laakiin wuxuu sheegay inuusan isagu jeclayn qaab ciyaareedka nuucaas ah.

Image result for Xavi Mourinho

“Mourinho waa tababare difaaceed, ma ahayn wax fudud inaan la ciyaarno Inter Milan 2010” ayuu yiri Xavi Hernandez.

“Kaasi waa qaab ciyaareedka Mourinho, wuxuu ka hirgaliyay Chelsea, Inter iyo Real Madrid, wuxuu xooga saaraa inuu fursad siinin kooxda ka soo horjeeda”.

“Anigu waxaan jeclahay qaabkiisa mid ka duwan, ma dhaleeceynayo, laakiin ma jecli qaab ciyaareedka nuucaas ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close