Juventus oo Dubatay Man United, Real Madrid oo gaartay Guushii u Horreysay Lix kulan kaddib iyo City oo Guul raaxo ah kasoo Hoyday Shakhtar Donetsk

( Champ’ League ) 23 Okt 2018. Juventus ayaa guul muhiima ka gaartay dhigeeda Manchester United oo ay Marti ugu ahaayeen garoonka Old trafford markey uga adkaadeen 1-0.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 1-0, waxaana goolka qura Juve u dhaliyay Paulo Dybala daqiiqadii 17-aad kaddib caawin uu ka helay Cristiano Ronaldo.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Bianconeri ayaa sameyay dhawr fursad oo halis galisay in markle goolal looga dhaliyo United waxaana kamid aheyd laba kol oo jaanisyo laga badbaadiyay Ronadlo.

Inta badan maamulka dheesha waxaa gacan ku hestay kooxda reer Talyaani oo ugu dambeyn guul gaartay, Waxayna ka dhigan tahay in Group-H ay ku hogaamiso 9 dhibcood.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa dib ugu soo laabtay wadada guulaha markii 2-1 ay ku dhaaftay naadiga Viktoria Plzen,

Goolasha Real waxay ka kala heshay Karim Karim Benzema iyo Marcelo iyadoo labada gool ay ka dhasheen labada qeyb ee cayaarta.

Waa guushuu ugu horreysay oo ay gaartay kooxda xafidaneysa koobka kooxaha yurub kaddib shan cayaar oo ay guul la’aan ahaayeen dhammaan tartamada.

Ugu dambeyn Manchester City ayaa guul ka gaartay kooxda Shakhter oo ay marti u ahaayeen iyagoo kaga badiyay 3-0.

kooxda Guardiola ayaa goolasha kaga mahad celineysa xiddigaheeda kala ah David Silva Aymeric Laporte iyo Bernando Silva.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close