“Uma ooyn doono qof diiday inuu sii joogo Real Madrid” – Francisco Isco oo markale ka hadlay bixitaanka Ronaldo

(Real Madrid) 22 Okt 2018. Francisco Isco ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu ku xaqiijiyay inuusan u ooyn doonin laacib sida Cristiano Ronaldo oo kale, kadib mrkii uu iska diiday inuu sii joogo kooxda Real Madrid.

Hadalka Francisco Isco ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka ay habeen dambe kula ciyaari doonaan kooxda Viktoria Plzen tartanka Champions League.

“Suuragal ma ahan inaan u ooyno shaqsi sida Cristiano Ronaldo oo kale, sababtoo ah wuxuu iska diiday inuu nala joogo halkan, waxba nagama galin kadib markii uu inaga tagay”.

“Waxa kaliya aan ka bartay Real Madrid mudada 6-dii sano aan ku sugnaa ayaa ah, inaan sameyno wax walba ilaa iyo heer dhimasho, mana ka niyad jabi doono natiijooyinka xun ee aan la kulanay”.

“Qof walba ee haatan ku sugan Real Madrid wuxuu mas’uul ka yahay natiijooyinka xun kaliya ma quseyso macalinka, waa arin waali ah in mudo 2 bilood guduhood lagu ceyriyo macalinka”.

“Hadii ay dhacdo in macalinka la casilo, waa in dhamaanteen sidoo kale shaqada nalaga ceyriyaa, sidaas darteed uma maleenayo in saxaafada ay awood u leedahay in ay casisho macalinka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close