Mourinho oo bilaabay baaris uu ku ogaanayo Khaa’inkii saxaafada siiyay shaxda kooxda ka hor kulankii Chelsea!

(Manchester) 22 Okt 2018 Jose Mourinho ayaa dhibaato kale ku wajahaya kooxdiisa Manchester United kadib markii la fakiyay shaxdii uu ugu talo galay kulankii Chelsea.

Daily Mail ayaa baahisay in Mourinho uu si wayn u caraysan yahay kadib markii saxaafada uu ku arkay subixii sabtiga shaxdii uu u diyaarsaday kulankii Chelsea.

Image result for Mourinho

Qorshaha Mourinho ayaa ahaa inuu ka yaabsado tababare Sarri, isla markaana uu kala hortago shax weerar ah si uu uga qaato guul waana sababta uu u soo safay Juan Mata.

Laakiin nasiib xumo subixii sabtiga wuxuu ku soo toosay shaxdii uu diyaarsaday oo saaran wargaysyada ugu afka dheer ingiriiska iyo waliba baraha bulshada, wuxuuna dareemay in kooxdiisa uu ku jiro khaa’in.

Sidoo kale, kulankii West Ham United ay 3-1 ku garaacday Manchester United ayaa la sheegay in la fakiyay shaxda kooxda saacado ka hor ciyaarta.

Mourinho ayaa haatan u kabo gashtay sidii uu ku soo qaban lahaa dhagar qabaha dhabarka ka tooganaya kooxda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close