Marcelo oo si cad ugu sheegay Real Madrid inuu ka tagayo kooxda suuqa Janaayo

(Madrid) 22 Okt 2018 Daafaca reer Brazil ee Marcelo ayaa si cad ugu sheegay maamulka Real Madrid go’aankiisa ku aadan inuu ka tagayo kooxda.

Wargayska aadka ugu dhaw Juventus ee TuttoSport ayaa daabacay in Marcelo uu ku wargaliyay maamulka Real Madrid inuu doonayo ku biirida Juventus suuqa Janaayo.

Marcelo ma qarin rabitaankiisa ku aadan inuu markale ka garab ciyaaro saaxiibkiis Cristiano Ronaldo oo ku biiray Juventus suuqii xaggaaga.

Qiimaha Real Madrid ay ku fasixi karto Marcelo ayaa lagu qiyaasayaa 50 ilaa 60 milyan oo euro, waxaana suurogal ah in Alex Sandro uu qayb ka noqdo heshiiska.

Juventus ayaa isku dayday saxiixa Marcelo suuqii xaggaaga, laakiin Real Madrid ayaa diiday iibkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close