Manchester United oo wayn karta 6-laacib oo safka hore ah kulanka Juventus!

(Manchester) 22 Okt 2018 Tababare Jose Mourinho ayaa wajahaya wal wal cusub kadib markii shaki la galiyay 6-laacib oo safka hore ah ka hor kulanka Juventus.

Xiddiga ugu mushaarka badan kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa seegay tababarkii saaka ee kooxdiisa ka hor kulanka Juventus.

Laacibka reer Chile ayaa badal ku soo galay kulankii United ay 2-2 la gashay sabtigii kooxda Chelsea, laakiin wuxuu seegay tababarkii saaka gaar ahaan daqiiqadii loo fasaxay saxaafada.

Sida ay baahisay Mirror, ilaa 6-laacib oo safka hore ah ayaa seegay tababarkii saaka ee Manchester United waxaana ka mid ah Sanchez, Marouane Fellaini, Jesse Lingard, Scott McTominay, Phil Jones iyo Diogo Dalot.

Antonio Valencia oo dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu danbeeyay kooxdiisa ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee ka hor kulanka Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close