Inter oo wajahaysa dhibaato dhaawac ka hor kulanka Barcelona (Xiddigo muhiim ah oo seegi kara kulanka Camp Nou)

(Milan) 22 Okt 2018 Tababare Luciano Spalletti ayaa helaya akhbaar aad u xun kadib guushii ay ka gaareen xalay kooxda AC.Milan.

Sida ay baahisay CalcioMercato, Waxaa la xaqiijiyay in Radja Nainggolan uusan ciyaari karin kulanka Barcelona kadib dhaawicii soo gaaray xalay.

Image result for perisic brozovic

Sidoo kale, waxaa shaki wayn la galinayaa labada laacib ee reer Croatia ee kala ah Ivan Perisic iyo Marcelo Brozovic.

Labadaan laacib ayaa ku dadaalaya inay taam u noqdaan kulanka Barcelona, waxaana jira warar sheegaya inay seegi karaan kulankaas muhiimka ah.

Barri oo talaado ah ayaa la filayaa in Inter Milan ay war rasmi ah ka soo saarto xiddigahaan dhaawaca qaba.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close