Vinicius Junior oo laga GANAAXAY kulanka El Clasico kaddib markii uu Free Kick Cajiib ah u dhaliyay Real Madrid..+MUUQAAL

(Spain) 21 Okt 2018. Da’yarka xirfada badan ee Vinicius Junior ayaa hal dhibic u soo bad-baadiyay Real Madrid B kaddib markii uu free kick Cajiib ah u dhaliyay kulanka oo sagaal daqiiqo ka harsan tahay ciyaartii ay la yeesheen Celta Vigo B.

Nasiib daro laacibka reer Brazil ayaa Roose loo taagay wax yar kaddib goolkiisa taa oo sababeysa inuu Ganaax ku seegi doono kulanka El Clasico ay Real Madrid usbuuca soo socda la ciyaari doonto Barcelona.

Inkastoo kulanku ahaa heerka labaad ee horyaalka Spain misane ganaaxa wuxuu saameeynayaa ilaa La Liga.

Real Madrid ayaa ku jirta waqtigeedii ugu xumaa ee La Liga waxayna wajihi doonaan Barcelona uu ka maqan yahay Lionel Messi Usbuuca soo socda.

EEG Goolka uu dhaliyay 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close