RASMI: Barcelon oo shaacisay mudada uu garoomada ka maqnaanayo Messi, miyuu seegi doonaa kulanka muhiimka ah ee El Clasico?

(Barcelona) 21 Okt 2018. Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay mudada uu garoomada ka maqnaanayo xidigeeda reer Argentina ee Lionel Messi, kadib dhaawacii kasoo gaaray kulkii xalay ee Sevilla.

Messi ayaa dareen murugo leh ka abuuray garoonka Cump Nou inta lagu gudi jiray kulankii adkaa ee horyaalka La Liga ay ku wada ciyaareen kooxaha Barcelona iyo Sevilla.

Lionel Messi ayuu dhaawac daran ka soo gaaray suxulka gacanta midig kadib markii uu si qaldan ugu dhacay dhulka, taasoo sababtay in laacibka reer Argantina uu awoodi waayay inuu sii wato ciyaarta isla qeybta hore ee ciyaarta, waxaana lagu badalay Ousmane Dembélé.

Barcelona oo war rasmi ah kasoo saartay dhaawaca Lionel Messi ayaa waxay ku xaqiijisay kadib baaritaanadii uu maray inuu jabniin fudud uu kasoo gaaray dhanka xusulka ee gacanta midig.

Kooxda Blaugrana ayaa waxay warkeedan ku shaacisay in laacibka reer Argantina uu garoomada ka maqnaan doono mudo saddex isbuuc ah, taasoo ka dhigeysa inuusan qeyb ka noqon doonin kulanka El Clasico ee soo aadan ay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwada ciyaari doonaan isbuuca soo aadan kulamada 10-aad ee horyaalka La Liga, gaar ahaan maalinta Axada ee soo aadan.

Sidoo kale Messi ayaa ka bixi doono qorshaha tababare Ernesto Valverde kulanka Inter Milan ee taranka Champions League, kulamada kale ee ugu muhiimsan uu seegi doono Messi ayaa waxaa ka mid ah Rayo Vallecano, Inter Milan lugta labaad iyo Real Betis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close