Radja Nainggolan oo qarsan kari waayay Jaceylka uu u qabo Ronaldo….(Muxuu yiri?)

(Manchester) 21 Okt 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Inter Milan Radja Nainggolan ayaa shaaca ka qaaday jaceylka uu u qabo halyayga reer Brazil iyo kooxda Inter ee Ronaldo.

Radja Nainggolan ayaa wareysi uu ku bixiyay Shabakada “Calcio Mercato” wuxuu kaga hadlay in ciyaarytoyda uu ugu jecelyahay kubada cagta uu ka mid yahay halyayga reer Brazil iyo kooxda Inter Ronaldo.

“ma jiro xidig aan kaga daydo kubada cagta, tan iyo caruurnimadeyda”.

Picha inayohusiana

“Waxaan mar walba jecelay ciyaartoyda tayada leh, sida Ronaldo, waan jeclaa”.

“Waayaheygii hore aad ayay iigu adkeyd aniga ahaan, sababtoo ah waxaan kasoo baxay Belgium markii ay da’doodu ahayd 16 jir, taasina waa sababta aan rabo in caruurtayda ay u wanaagsanaadaan”.

“Aniga ahaan, muhim ayay ii tahay inaan halkaan joogo San Siro waa garoonka aad u qurux badan, xiiso leh, waxaad maqli kartaa taageerayaasha sida garoomada kale ee qaarada Yurub”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close