Mauro Icardi oo waqtigii dhimashada guul ku hogaamiyay kooxda Inter kulankii xiisaha badnaa ee Derby di Milano

(Milan) 21 Okt 2018 Kooxda Inter ayaa guul muhiim ah ee 1-0 kaga gaartay dhigeeda AC Milan kulankii adkaa Derby di Milano ee horyaalka Serie A, kaasoo ay labada kooxood kuwada dagaalameen garoonka Giuseppe Meazza

Labada kooxood ayaa kulanka la wada suayay ee Derby di Milano waxay ku bilaawdeen si adag ee aad u xiiso badan, iyadoo labada kooxood ay isku dayeen inay sameeyaan fursado ay isaga dhalin kareen goolal.

Tababarayaasha kooxaha Inter iyo AC Milan ee Luciano Spalletti iyo Gennaro Gattuso ayaa waxay kulankan kusoo bilaawdeen shaxaha kala ah:

Inter: Handanovic, Vrsaljko, Stefan De Vrij, Milan Skriniar, Asamoah, Matias Vecino, Brozovic, Perisic, Nainggolan, Politano, Icardi.

Milan: Donnarumma, Calabria, Musacchio, Romagnoli, Rodriguez, Kessie, Biglia, Bonaventura, Suso, Higuain, Hakan Calhanoglu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 0-0 iyadoo labada kooxood Inter iyo AC Milan ay ku guuldareysteen in wax goolal ah ay iska dhaliyaan qeybta hore ee ciyaarta.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ayay labada kooxood Inter iyo AC Milan u muuqday kuwo si taxadir ah u ciyaarayay, waxayna inta badan labada kooxood adeegsanayeen kubado gaadmo ah.

Laakiin waxa ay ciyaarta socotaba waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 90-aad ayay kooxda Inter la timid goolka guusha waxaana u dhaliyay laacibkeeda reer Argantina ee Mauro Icardi oo caawin ka helay saaxiibkiis Matias Vecino ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Ugu dambeyn kulankii ugu xiisaha badnaa isbuucan horyaalka Talyaaniga ee Derby di Milano ayaa wuxuu ku soo idlaaday 1-0 ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close