Khilaaf hor leh oo soo kala dhex galay maamulka Manchester United iyo tababare Mourinho!

(Manchester) 21 Okt 2018 Maamulka Manchester United iyo tababare Jose Mourinho ayuu soo kala dhex galay khilaaf cusub.

Metro ayaa daaha ka qaaday in tababare Mourinho uu ku cadaadinayo maamulka kooxdiisa saxiixa daafaca Fiorentina iyo xulka Serbia ee Nikola Milenkovic.

Image result for Milenkovic Man United

Laakiin Fiorentina ayaa sheegtay in laacibkeeda aysan ku fasixi doonin wax ka yar 40 milyan oo Ginni suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Maamulka Man United ayaa ku wargaliyay tababare Mourinho in kooxdu aysan diyaar u ahayn in Nikola Milenkovic ay ku qarash garayso lacagtaas, waxayna sheegeen inay diyaar la yihiin ugu danbayn 30 milyan oo Ginni.

Maamulka kooxda ayaa u arka Nikola Milenkovic mid aan lahayn khibrad uu ku hogaamiyo difaaca kooxda sanadaha soo socda, waana sababta ay uga caga jiidayaan bixinta lacagta ay dalbatay Fiorentina.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close