Hazard iyo Willian oo lagu soo eedeeyay arin YAAB LEH oo ay sameeyeen kulankii Shalay ee Manchester United!!!

(London) 21 Okt 2018. Eden Hazard iyo Willian ayaa lagu soo eedeeyay inay si kas iyo maag ah u cunoqabateeyeen oo ay baaska ugu diideen Alvaro Morata kulankii Shalay ay 2-2 Stamford Bridge kula galeen kooxda Manchester United, waa sida uu qabo halyeygii hore ee Blues Ruud Gullit.

Gullit ayaa aaminsan in labada xiddig ee garbaha ka ciyaarta aysan aaminsaneyn tayada Morata sidaa darteed ay baaska u diideen iyagoo hadba kubbada gudaha la soo galaya halkii ay u soo karoosi lahaayeen.

“Hazard iyo Wallian ma imaaneyn boos ay wax uga abuuri karaan Morata,” Ruud Gullit ayaa sidaa u sheegay beINSports.

Tokeo la picha la Hazard, Willian and Morata

“Tan ugu xun waa inaad arki kartay in Willian iyo Hazard ay had iyo jeer ay u soo goynayeen/Gambis dhanka gudaha maxaa yeelay ma aaminsana Morata.

“Way ku adag tahay weeraryahan inuu la ciyaaro labadaan markasta gudaha la soo galaya kubbada, ma garaneysid meel aad aado.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close