“Waan la dhacsanaa Bandhiga ciyaartoydeeda, laakiin waan ka Niyadjabay markii ay la yimaadeen Sheekada Manchester United….”.- Sarri

(London) 20 Okt 2018. Maurizio Sarri ayaa sheegay inuu ku faraxsanaa bandhiga ciyaartoydiisa Chelsea ilaa laga gaaro daqiiqadii 60-aad ee kulanka balse uu ka niyad jabay wixii markaa ka dambeeyay kaddib markii ay la yimaadeen inay ciyaaraan kubbadda Manchester United oo kale ee dhaadheer.

Macallinka reer Talyaani ayaa xagaagan cusub yimid Blues isagoona keenay kubbad cajiib ah oo ku dhisan keen oo qaado ‘Sarri Ball’ taa oo ay la dhaceyn taageerayaasha kooxda reer London.

Laakiin ciyaartoyda ayaa ka weecday wadada Sarri oo kubbad dhaa-dheer ciyaaray markii ay Man United ka dhalisay goolka labaad ciyaartii dhawaan ku idlaatay 2-2.

“Waqtigan oo kale Xilli ciyaareedka, dhibic kugu korarta ama kaa Nusqaanta waa isku mid, waxaan doonayaa inaan saddexda dhibcood u ciyaaro kulan kasta,” Sarri ayaa sidaa yiri ciyaarta kaddib.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay bandhiga kooxdeyda ilaa 60-daqiiqo, Lixdan daqiiqo waxaan ciyaarnay kubbadeena.

Maurizio Sarri

“Kaddib goolka ay ciyaarta uga dhigeen 1-1, ma aynaan ciyaarin kubbadeena, kaliya kubbado dhaadheer ayaan ciyaareynay, Kubbada cagta nuucaas ahna waxaa nooga fiican Manchester United.

“Dhabtii aadaan uga niyad jabay 30-kii daqiiqo ee dambe ciyaarta. Goolka daqiiqadii ugu dambeysay wuxuu u fiican yahay kalsoonida ciyaartoyda.

“Kulanka waxaan ka arkayay oo kaliya Keydka, Iminka waxaan doonayaa inaan diraaseeyo qaabkii aan u ciyaareynay qeybta dambe.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close