“Uma dabaal dagi doono si waali ah, sababa la xiriira ixtiraam aan u hayo jamaahiirta kooxda Chelsea” – Jose Mourinho

(Manchester) 20 Okt 2018. Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan si waali ah ugu hor dabaal dagi doonin hadii ay gool ka dhaliyaan ama ay guul ka gaaraan kooxdiisii hore ee Chelsea, kulanka Premier League ay maanta ku booqan doonaan garoonka Stamford Bridge.

55 jirkan ayaa halis ugu jira in laga ceyriyo shaqada garoonka Old Trafford, sababa la xiriira hoos u dhaca ku yimid natiijooyinka kooxda Manchester United xili ciyaareedkan.

Manchester United ayaa kaga jirta kaalinta 8-aad dhanka kala sareynta horyaalka Premier League ee dalka England, kadib 8 kulan ee laga soo ciyaaray.

Mourinho ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay kulanka ay ku wada ciyaari doonaan kooxda Chelsea horyaalka Premier League wuxuuna yiri:

“Aniga ahaan, waa kulan kale, uguma dabaal dagi doono si waali ah hadii aan gool ku dhalino ama aan guul ku gaarno garoonka Stamford Bridge, uma maleenayo inaan sidaas sameyn doono”.

“Waxaan u maleynayaa inaan mar walba isku dayi doono inaan xakameyo nafteyda, garoonka iyo jamaahiirtaba, waxay soo ahaayeen jamaahiirteyda iyo garoonkeyga sanooyin badan”.

“Waxaan ahay 100% dhanka Manchester United kulankan, lakiin ma jirto waxaan ka ahayn ixtiraam buuxa ee aan u hayo garoonka iyo jamaahiirta, maadaama aan horey saaxiibo u soo noqonay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close