Real Madrid oo la Ogaaday GOORTA ay Ceyrineyso Tababaraheeda Julen Lopetegui

(Madrid) 20 Okt 2018 Maamulka Real Madrid ayaa ugu danbayn ku qancay in Julen Lopetegui ay ku adag tahay inuu sii layliyo kooxda waqtigaan.

Inkasta oo kooxdu ay ka baxday abaartii gool la’aanta ayeey hadana ku dhibtoonaysaa inay gaarto guul kulankii 5-aad oo xiriir ah.

Levante ayaa galabta ku garaacday Santiago Bernabeu, taas oo dareensiisay maamulka Real Madrid in aan la sugin kulanka axada dambe ee El-Clasico.

Wariyaha beIN SPORTS ee Jamal Jibali ayaa sheegay in Real Madrid ay shaacin doonto cayrinta tababare Julen Lopetegui caawa ama barri.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close