Ramos oo xaqiijiyay in xiddigaha Real Madrid ay garab taaganyihiin tababare Lopetegui

(Madrid) 20 Okt 2018 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay in xiddigaha kooxdu ay garab taagan yihiin tababare Julen Lopetegui.

Guul daradii galabta soo gaartay Real Madrid ayaa mugdi galisay mustaqbalka tababare Julen Lopetegui ee Real Madrid.

Laakiin Ramos ayaa sheegay in ciyaartoyda Real Madrid aysan soo dhawaynayn fikirka ah in la badalo Julen Lopetegui.

“Maadaama aan ahay hogaamiyaha kooxda, waxaan xaqiijinayaa in dhamaan ciyaartoydu ay garab taagan yihiin Julen Lopetegui” ayuu yiri Ramos.

“In la badalo tababaraha ma ahan wax wanaagsan waayo ma jirto wax ay soo kordhinayso, waxa kaliya ee aan samayn karno waa inaan garab istaagnaa Lopetegui”.

“Waxaan ku celinayaa in ciyaartoydu aysan qaadan karin go’aanka cayrinta tababaraha, arinkaas waxaa ku shaqo leh maamulka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close