Manchester City oo Guul Sahlan Mininkeeda kaga gaartay kooxda Burnley+SAWIRRO

( Premier League ) 20 Okt 2018. Manchester City ayaa guul raaxo ah ka gaartay dhigeeda Burnley oo marti u aheyd markii ay uga adkaadeen 5-0.

Cayaarta ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaamineysay naadiga City waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Sergio Aguero oo si sahlan goolka ugu dhameystiray baas uu soo dhigay David Silva.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad difaacayaasha ayaa halkoodii kasii waday duulaanka ka dhanka ah kooxda martida.

goolka labaad waxaa u dhaliyay xiddiga Portugal ee Bernando Silva halka goolka seddaxaad uu ahaa kubbad darbad xoogan uu banaanka goolka kasoo tuuray laacibka Fernandinho.

Sheekada City oo waxaa ahaayeen kuwa mar kastaa aan kala joogsi laheyn weerarkooda waxaana goolka afaraad si qurux badan fogaan dheer goolka uga toogtay Riyad Mahrez.

Waxaana ugu dambeyn bandhiga goolasha Manchester City soo gabgabeeyay Da;yarka xulka Germany ee Lorey Sane oo dhameyritay kubbad ka timid Benjamin Mendy.

guusha ay gaartay City ayay ka dhigan tahay in hogaanka ay la wareegeen waxayna ka war sugi doonaan natiijada kulanka Huddersfield Town iyo Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close