Liverpool oo Guul Nafle CAARI ah ka gaartay Kooxda Huddersfield Town+SAWIRRO

( Premier League ) 20 Okt 2018. kooxda Liverpool ayaa guul ay ku dhibtootay waxay ugu dambeyn 1-0 kaga adkaatay kooxda Huddersfield Town oo ay u martiyeen.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaanimeysay Reds waxaana goolka qura ay ku badiyeen u dhaliyay Mohamed Salah oo si qurux badan u dhameystiray baas kaga yimid laacibka Xherdan Shaqiri daqiiqadii 24-aad.

kooxda guriga ayaa intaa la aadin nasiinada kulanka ku dhawaatay iney la yimaadaan goolka bareejada markii kubbad xoogan uu mid kamida cayaariyahaneeda ku garaacay birta.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe labada koox ayaa soo bandhigay cayaar dhanka kasta ka siman inkastoo kooxda martida ee Liverpool ay fursado badneed.

Liverpool ayay ka dhigan tahay guushan midii ugu horreysay kaddib afar cayaar oo dhammaan tartamada ay guul la’aan ahaayeen waxayna dhibcaha la wadaagaan Manchester City oo hogaanka horyaalka ku heysta dhanka farqiga goolasha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close