HORDHAC: Juventus v Genoa

( Serie A ) 20 Okt 2018. Juventus ayaa marti galin doonta kooxda Genoa kulamada todobaadka sagaalaad ee horyaalka Serie A.

Bianconeri ayaa guuldaro la’aan tan iyo bilaabasha horyaalka waxayna guuleysteen dhammaan siddeed dheel ee furitaanka.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Serie A

Waqtiga: 07:00 pm ( SGA )

Garsooraha: Federico La Penna

Garoonka: Allianz Stadium

Wararka Labada koox

Massimiliano Allegri ayaa heli doona faa’iido weyn marka uu dib ugu soo laabto Douglas Costa, wuxuuna ninka reer Brazilian laga yaabaa inuu safka ka badalo Paulo Dybala.

Weeraryahanka Argentinian ayaa dheeshan la nasinayaan madaama kooxda ay bartamada todobaadkan ciyaareyso kulan adag oo koobka Champions League.

Inkastoo ay xagaagan ku bilaawdeen qaab wanaagsan kooxda macalin Davide Ballardini, balse Genoa ayaa ceyrisay maamulahoodii waxaana shaqadaas loo magacaabay Ivan Jurić.

Macalinka cusub ayaa heysta safka diyaar ah iyadoo aan la fileyna inuu isbadal badan sameyo.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Juventus ayaa shabaqa ilaashatay lixdii kulan ee u dambeysay dhammaan tartamada oo ay la cayaartay Genoa.

Bianconeri ayaa guuleystay lixdii dheel ee u dambeysay garoonkooda oo ay kula cayaareen Genoa dhammaan tartamada.

Juventus ayaa guuleysatay 11 kamida 13kii kulan oo ay Genoa kula dheeshan garoonkooda (11 guul iyo 2 barbaro ) guuldarradii u dambeysay waxay aheyd horyaalka labaad ee Serie B xagaagii 2006/2007.

Haddii ay guul gaarto kulankan kooxda Juventus, waxay noqoneysa kooxdiis seddaxaad ee guuleysata dhammaan sagaalkeeda dheel ee ugu horreeya horyaalka Serie A kaddib Juventus 2005/06 iyo AS Roma 2013/14.

Paulo Dybala ayaa dhaliyay shan gool shantii cayaar uu ka hortagay kooxda Genoa, waxaana kamida seddaxleydii ugu horreysay uu ka dhlaiyay tartanka horyaalka  bishii August 2017.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close