Guulihii xariirka Juventus oo la Hakiyay Markii ay Barbaro la dhaafi weysay Kooxda Genoa+SAWIRRO

( Serie A ) 20 Okt 2018. Kooxda Juventus oo xagaagan ku bilaabatay horyaalka Serie a guul xariira ayaa lasoo afjaray dheeshii ay la cayaartay Genoa oo idlaatay barbaro 1-1.

cayaarta ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaanimeysay Juventus ayaa goolka u gaaray xiddiga Cristiano Ronaldo oo dhaliyay goolkiisii afaraad ee horyaalka talyaaniga markii uu si sahlan kubbad ugu dhameystiray goolka.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe labad koox ayaa muujiyay dadaal ay midba natiijo guula ku rabtay.

Laakiin sheekada cayaarta ayaa wax iska badashid gabayaaqadii kulankii markii Genoa ay la timid goolka bareejada daqiiqadii 67-aad waxaana u dhaliyay laacibkooda Daniel Bessa.

weerar dhan walbaa ayay sameyay kooxda guriga ee Bianconeri balse uma suuragalin iney adkaadaan kulankii sagaalaad oo xariira kulamada furitaanka Serie A kal cayaareedkan.

Natiijada bareejadaa ayaa ka dhigan in weli Juve ay tahay hogaanka horyaalka Talyaaniga waxayna lee yihiin 25 dhibcood iyagoo 7 dhibic ka horreeya Napoli oo la balansan Udinese.

Dhinaca Kale kooxda Roma ayaa qasaartay kulankii ay maanta dheeshay waxayna guuldarro 2-0 kala kulantay naadiga Spal 2013.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close