Pep Guardiola oo si weyn u taageeray macalinka cusub ee kooxda Monaco Thierry Henry

(Manchester) 19 Okt 2018. Macalinka reer Spain ee kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa muujiyay sida uu u garab taagan yahay xidigiisii hore ee Thierry Henry shaqada dhawaan loo magacaabay ee tababaraha cusub kooxda Monaco.

kooxda Monaco ayaa Sabtidii lasoo dhaafay u magacaawday Thierry Henry inuu yahay badalka Leonardo Jardim oo shaqada kooxda reer France laga ceeriyay.

Pep Guardiola ayaa shir jiraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka Bernley ee horyaalka Premier League, wuxuu kaga hadlay macalinka cusub ee kooxda Monaco Thierry Henry.

“Waxaan u rajeynayaa isaga wax walba ee wanaag ah, wuxuu ka mid ahaa xidigaheyga kooxda Barcelona, dadka fiican waxay u qalmaan in ay heerkan gaaraan, waxaan u rajeenayaa wanaag oo dhan”.

“Waa waayo aragnimo aad ugu adag isaga, wuxuu xirfadiisa kubada cagta kasoo bilaaway kooxda Monaco, laakiin wuxuu qaban doonaa shaqo fiican”.

“Waqtigan Monaco kuma jirto xaalad wanaagsan, laakiin waxaan qabaa inay shaqo fiican qaban doonto, waa tababare da’ayar ah, xili dhow ama xili fog waan wada kulmi doonaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close