Radja Nainggolan oo ka warbixiyay waxa ay ku kala duwan yihiin xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi

(Inter) 18 Okt 2018. Laacibka khadka dhexe reer Belgium iyo kooxda Inter Milan ee Radja Nainggolan ayaa doorbiday Lionel Messi marka loo fiiriyo dhigiisa kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Radja Nainggolan ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay kulankii dhex maray kooxaha Roma iyo Barcelona ee xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, kulan kaasoo Blaugrana si layaab leh loogaga ciribtiray Champions League 3-0.

“Habeenkaas waxaa dhacay wax layaab leh, Juan Jesus wuxuu ciyaaray kulaka ugu muhiimsanaa nolashiisa wuxuuna kahor yimid Lionel Messi, neefta jamaahiirta, iyo goolka dhaqsida ahaa ee Edin Džeko, wuxuu ahaa kulankii iigu fiicnaa ee xirfadeyda kubada cagta”.

Intaas kadib khadka dhexe kooxda Inter Milan ee Radja Nainggolan ayaa wuxu isbarbardhi ku sameeyay kan wanaagsan xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

“Waxaa dooran lagaa Messi, sababtoo ah Cristiano wuxuu u baahan yahay kooxda oo dhan si uu u guuleysto, halka Lionel Messi uu garaaci karo 4 ama 5 ciyaartoy, wuxuu awooda inuu ku guuleysto ciyaarta isaga oo kaliya”.

Dhinaca kale Radja Nainggolan ayaa wuxuu ka hadlay imaatinka Cristiano Ronaldo ee horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga wuxuuna yiri.

“Waxay fursad u tahay horyaalka Talyaaniga kaasoo lumiyay sanooyinkii lasoo dhaafay ahmiyadii uu ku dhex lahaa kubada cagta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close