Lionel Messi iyo Pique oo Barcelona ka Dalbaday in kooxda la keeno Xiddigan….(Waa mid ka mid ah Laacibiinta ugu waa wayn Premier League)

(Europe) 18 Okt 2018. Warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya in Lionel Messi iyo Gerard Pique ay doonayaan in kooxda Barcelona la keeno xiddiga qadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba.

Xiddiga reer France ayaa dhawaanahaanba lala xiriirinayay inuu isaga soo dhaqaajin doono gegada Old Trafford kaddib xiriirka liita ee kala dhexeeya tababare Jose Mourinho.

Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha la saadaaliyay inay noqon doonto bar-dhammaadka Paul Pogba.

Iminkana waxay u muuqataa in labada laacib ee miisaanka culus ku leh kooxda reer Spain ee Messi iyo Pique ay ku cadaadinayaan maamulka sare ee kooxda in heshiiskaasi uu qabsoomo sida uu warinayo warsidaha Daily Mail.

Tokeo la picha la Messi and Pogba

Waxaa la sheegay in labada laacib ay aaminsan yihiin in kooxda ay ka faa’iideysan doonto joogitaanka iyo awoodo xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close