Chelsea oo ugu dambeyn QUUS ka soo istaagtay Morata iyadoona diyaar u ah inay Qaado TALAABADAN….!!

(London) 18 Okt 2018. Chelsea ayaa ugu dambeyn quus ka soo istaagtay wareeraryahankeeda Alvaro Morata iyadoona bisha Janaayo isku dayaysa sidii ay kooxda u keeni lahayd Dhaliye Cusub.

Weeraryahanka reer Spain ayaa ku dhibtoonaya inuu la qabsado Premier League tan iyo sidii uu 65 milyan ugu soo dhaqaaqay Stamford Bridge 2017.

Chelsea ayay ka go’neyd inay Morata siiso waqtiga uu ku caddeynayo inuu dhalin karo 20-gool kal ciyaareedkiiba, balse waxay iminka qirsan tahay inaysan midaa dhici doonin.

Maadaama ay kooxda Sarri safka hore kaga jirto kooxaha ku tartamay Premier League kal ciyaareedkan ayay Maamulka kooxda iminka eegayaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen fursadooda iyagoo lacago ku qarash gareyn doona weeraryahan cusub bartamaha kal ciyaareedka.

Tokeo la picha la AL OVER BLUES Chelsea give up on Alvaro Morata as Maurizio Sarri targets striker in January transfer window

Blues ayaa iminka dooneysa in culeyska gool dhalinta ay ka qaado Eden Hazard si ay u xaqiijiso inuu sii joogo heerkiisa sare ee ciyaaraha, ma ahan oo kaliya goolka hortiisa balse sidoo kale dhanka hal-abuurka ee kooxda.

Laakiin, inkastoo ay Chelsea shaki ka qabin awooda Morata ee shaqsi ahaaneed, misane maamulka sare ee kooxda ayaa garowsaday xaqiiqda ah inaysan marna ka soo dhalaalin karin tiisa ugu fiican.
Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close