Weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid Fernando Morientes oo si weyn u difaacay tababare Julen Lopetegui

(Real Madrid) 17 Okt 2018. Weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid Fernando Morientes ayaa xaqiijiyay inuusan fahmin dhaleeceynta loo jeedinayo tababare Julen Lopetegui.

Fernando Morientes ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay dhaleeceenada uu la kulmay xiliyadii lasoo dhaafay macalinka kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui.

“Ma aanan fahmin sababta loo dhaleeceenayo tababare Julen Lopetegui, aniga ahaan ma jecli dhaleeceenta”.

“Waa run in kooxaha waa weyn ay u baahan yihiin inay ahaadaan kuwa ugu fiican waqtiyada oo dhan, laakiin waxaa jira maalmo xun ay maraan ciyaartoyda iyo kooxaha, waana in la fahmo”.

Intaas kadib laacibkii hore xulka qaranka Spain Fernando Morientes ayaa wuxuu ka hadlay goolal la’aanta heysata kulamadii dhawaa ee lasoo dhaafay weeraryahanada kooxda Real Madrid.

“Waxaa jiro xiliyo ka mid ah xili ciyaareedka ay dhacdo sidan oo kale, laakiin waxaan imaan doonta xiliyo ay goolal dhalin doonaan”.

“Waxaan soo ahaa weeraryahanka kooxda Real Madrid, waxa ugu badan ee aan ka walwali jiray ayaa ahaa inaanan abuurin wax fursad ah, laakiin marka aad sameyso fursad wax walwal ah ma jiro, sababtoo ah goolka had iyo jeer isaga ayaa iska imaanaya”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close