Ma Heshiis isku qalmaa in la isku badesho Eden Hazard iyo Gareth Bale???

(Europe) 17 Okt 2018. Real Madrid ayaa la warinayaa inay qorsheynayso heshiis ay Gareth Bale ku dhaafsaneyso xiddiga Chelsea ee Gareth Bale.

OK Diario ee dalka Spain ayaa warinaya in camaaliqada reer Spain lagu wado inay Gareth Bale u bandhigto Chelsea si ay qeyb uga dhigo heshiiska ay kaga dooneyso laacibka reer Belgium.

Hazard ayaa kal ciyaareedkan ku bilawday si aan caadi ahayn oo wuxuu hogaaminayaa gool dhalinta Premier League isagoona qeyb wayn ka qaatay guulaha kooxdiisa Chelsea oo ilaa iminka laga adkaan horyaalka.

Tokeo la picha la Eden Hazard and Gareth Bale

Inkastuu Hazard sheegay inuusan Chelsea ka tageyn bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayuu misane qiray inuu ku riyoodo ku biirista Real Madrid.

Los Blancos ayaa dooneysa in heshiiska ay ku dooneyso Hazard ay qeyb uga dhigto laacibka reer Wales si ay u macaaneyso Dalabkeeda.

Yeelkeede, waa la arki doonaa haddii ay Chelsea ogolaan doonto dalabkan iyo haddii ay bixin doonto lacagaha badan uu mushaar ahaanta u qaato Gareth Bale, kaa uu qandaraaskiisu dhacayo 2022.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close