Karim Benzema oo dib ugu soo laabtay tababarka Real Madrid

(Madrid) 17 Okt 2018 Weerar yahanka reer France ee Karim Benzema ayaa lagu arkay tababarkii saaka ee xiddigaha kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa soo dhawaynaysa sabtiga kooxda Levante, Karim Benzema ayaana soo muujiyay inuu taam u yahay kulankaas.

Karim Benzema ayaa ku dhaawacmay kulankii ay guul daradu ka soo gaartay Alaves, waxaana shaki laga muujinayay inuu taam u noqon karo kulanka Levante.

Dhanka kale, Gareth Bale ayaa seegay tababarkii saaka, wuxuuna ku koobnaaday oo kaliya inuu tababar ku qaato qolka jirdhiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close