Dejan Lovren oo qorshaynaya inuu ka tago Liverpool iyo Barcelona oo isha ku haysa

(Liverpool) 17 Okt 2018 Daafaca reer Croatia ee Dejan Lovren ayaa ku dhaw inuu ka tago kooxdiisa Liverpool kadib markii uu ka waayay boos joogto ah.

Joe Gomez ayaa booska kala baxay Dejan Lovren kaas oo haatan ay ku adkaatay inuu boos ka helo shaxda tababare Jurgen Klopp.

Image result for Dejan Lovren

Barcelona ayaa indhaha ku haysa saxiixa Dejan Lovren suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo sida ay baahisay CalcioMercato.

Kooxda reer Spain ayaa wajahaysa dhibaato dhanka daafaca ah kadib dhaawacyo hareeyay Umtiti iyo Vermaelen halka Pique uu ku yimid hoos u dhac balaaran.

Dejan Lovren ayaa qorshaynaya inuu isaga tago Liverpool suuqa Janaayo si uu ugu biiro koox uu ka heli karo boos joogto ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close