“5-sano ayaan iska diidayay dalabyada Juventus” – Radja Nainggolan

(Milan) 17 Okt 2018 Laacibka kooxda Inter Milan ee Radja Nainggolan ayaa sheegay in Juventus ay isku dayday saxiixiisa 5-tii sano ee ugu danbaysay.

Radja Nainggolan oo ka sootagay Roma suuqii xaggaaga ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda Inter Milan ee isla horyaalka talyaaniga.

Image result for Nainggolan Inter

Isaga oo waraysi siinayay La Gazzetta dello Sport ayuu yiri:

“Juventus? Waa koox aad u xoogan, horyaalka ayeey ku guulaysanayeen 7-dii sano ee ugu danbaysay, laakiin horyaalku waa mid dheer, waa inaan is hagaajinaa, waana inaan yaraynaa qaladaadkeena”.

Radja Nainggolan ayaa la waydiiyay in weerarkiisu uu ku qotomo in Juventus ay iska diiday saxiixiisa? wuxuuna yiri:

“Laakiin iyaga ayaaba i doonayay 5-tii sano ee ugu danbaysay, marwalbana waxaan dhahayay “Maya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close