Xulka qaranka Brazil oo guul muhiim ah ka gaaray dhigiisa Argantina kulankii saaxiibtimo ee Super Clasico

(Jeddah) 16 Okt 2018. Xulka qaranka Brazil ayaa guul muhiim ah ee 1-0 ka gaaray dhigiisa Argantina kadib kulan saaxiibtimo ay ku wada ciyaareen magaalada Jeddeh ee dalka Saudi Arabia.

Xulalka Brazil iyo Argantina ayaa kulankoodan saaxiibtinimo wuxuu ku bilaawday si xamaasadeysan xili labada xul ay sameeyeen weerar iyo weerar celis ah.

Haddaba Safafka Rasmiga ah ay labada macalin ee Tite iyo Lionel Scaloni ay kusoo galeen kulankii caawa ayaa kala ahaa.

BRAZIL: Alisson, Danilo, Marquinhos, Miranda, Filipe Luis, Casemiro, Arthur, Coutinho, Neymar, Firmino, Jesus

ARGENTINA: Romero; Saravia, Otamendi, Pezzella, Tagliafico; Paredes, Battaglia, Lo Celso; Dybala; Icardi, Correa.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 0-0, inkastoo labada dhinac ay sameeyeen weeraro ay goolal ku dhalin kareen, hadana ma aysan iska dhalinin wax gool ah.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayay markale xulalka Brazil iyo Argantina halkooda ka bilaabeen kubad daawashadeeda aad loogu riyaaqay.

Neymar ayaa kulankan hogaaminayay xulkiisa qaranka Brazil, laakiin nasiib daro Argantina ayaa weesay adeega kabtankeeda Lionel Messi, kadib markii uu horey u go’aansaday in mudo ah inuu dhigo maaliyada xulka Tango.

Laakiin daqiiqadii 90+2  ee dhamaadka ciyaarta ayaa xulka qaranka Brazil wuxuu helay goolka guusha kadib kubad gees ka laad ah uu soo tuuray Neymar Jr ayaa waxaa shabaqa xulka qaranka Argantina dhex dhigay difaaca Miranda, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay guusha ku raacday xulka Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close