“Waa wax laga xishoodo guuldaradii xulka qaranka England” – Sergio Ramos

(Spain) 16 Okt 2018. Kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay sida uu kaga xun yahay guuldaradii 3-2 ahayd ee kaga soo gaartay dhigooda England kulankii UEFA Nations League.

“Quruxda kubada cagta waa inay nasiisaa fursad aan wax walba ku badali karno, waxaan iska ilaawnay wixii dhacay qeybtii hore, laakiin waxa ugu fiican ayaa ah jawaab celintii aan sameenay qeybta labaad ee ciyaarta”.

“Waa wax laga xishoodo in lasoo gaba gabeeyo rikoorkeena fiicnaa ee guuldaro la’aanta ee gudaha garoomadeena dalka Spain, ma aysan fiicneen in xaalada ay sidan u dhacdo, lakiin haatan waxaan heysanaa kulan kale, waa inaan sameynaa wax walba ee awoodeenu gaarsiisan tahay”.

Si kastaba xulka qaranka England ayaa soo gabagabeeyay silsilada guuldaro la’aanta ahayd xulka qaranka Spain ee 38 kulan ay kusoo ciyaareen gudaha dalka Spain, taasoo soo jireen ahayd mudo 15 sano ah.

“Xulka qaranka England wuxuu heystaa awood heersaro ah, waxay heystaan xidigo aad qatar u ah, waxay ahayd inaan iska iloowno waxa dhacay qeybta hore ee ciyaarta, isla markaana aan la wareegno gacan ku heynta kulanka qeybtii labaad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close