Waa sidee xaalada Maxamed Saalax iyo Virgil van Dijk???

(England) 16 Okt 2018. Liverpool ayaa xaalad qal qal ah ku jirtay kaddib markii ay dhaawacyo xulalkooda kala soo laabteen Maxamed Saalax iyo Daafacooda birta ah ee Virgil van Dijk.

Warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya in labada laacib lagu wado inay ka soo muuqdaan kulanka Premier Leagu ay sabtida ku wajihi doonaan Huddersfield.

Sidoo kale tababare Jurgen Klopp ayaa heli kara madaalihiisa qadka dhexe ee James Milner waqti ka dhow waqtiga markii hore la filayay inuu ka soo kici doono dhaawaca Muruqa ah.

Tokeo la picha la KLOPPED THE LOT Mohamed Salah and Virgil van Dijk will be fit for Liverpool this weekend despite picking up injuries on international duty

Maxamed Saalax ayaa dhaawac muruqa ah uga baxay ciyaartii uu xulkiisa Masar ka adkaaday Swaziland, Liverpool ayaana walaac xoogan ka qabtay inta uu gaarsiisan yahay dhaawiciisa.

Yeelkeede, tijaabooyin dhab ah ay dhakhaatiirta marsiiyeen ayaa laga helay aqbaar fiican iyadoona lagu wado inuu tababarka kooxda dib ugu soo laabto khamiista.

Virgil ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo kulanka caawa uu xulkiisa Holland la yeelanayo Belgium waxaana loo soo diray Liverpool si uu nasiino u qaato kaddib dhaawac ka gaaray Feerta waxaana lagu wadaa inuu ka soo muuqdo kulanka Huddersfield .

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close