Qoyska Lionel Messi oo weerar culus ku qaaday halyayga xulka qaranka Argantina ee Diego Maradona

(Argantina) 16 Okt 2018. Halyeeyga reer Argentina ee Diego Maradona ayaa kaga yaabsaday qof katsa kadib erayo uu dhawaan ku weeraray kabtanka xulka Tango iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Diego Maradona oo kula soo guuleestay xulkiisa qaranka Argantina koobka aduunka sanadii 1986-dii ayaa sheegay inuu ahaa mid ka wanaagsan Lionel Messi.

“Messi Argantina wuu ka duwan yahay Messi-ga kooxda Barcelona, kuma haboona dhanka hogaaminta”.

“Wuxuu u dhaqaaqaa suuliga 20 jeer si uu u kaadiyo kahor inta uusan ciyaarin kulamada waaweyn, tani waa xaqiiqda ah in la ogaado sida ay u adag tahay inuu wajaho kulamada adag”.

Laakiin kadib weerarka Diego Maradona ayaa waxaa jawaab celin ka bixiyay Maxi Biancucchi oo ay ilmo adeer yihiin Lionel Messi isla markaana qeyb ka ah kubada cagta wuxuuna yiri.

“Waa doqonimo inaad weerarto Lionel Messi, sababtoo ah wax walba ee awoodiisu tahay ayuu siiyay xulka qaranka Argantina iyo kubada cagta intaba”.

“Waa murugo in sidaan oo kale lala hadlo ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda dalkeena isla markaana ugu shaqada badan, laga yaabee in xitaa uu yahay kan ugu qaab ciyaareedka fiican taariikhda”.

“Waxaan u maleynayaa in Diego Maradona uu sidaas sameeyay xili loo baahnaa inuu ka caawiyo dib u dhiska hadii uu jecel yahay xulka qaranka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close