DEG DEG: Naby Keita oo Cabsi wayn ku abuuray Liverpool

(Africa) 16 Okt 2018. Naby Keita ayaa Cabsi wayn ku abuuray Liverpool kaddib markii dhaawac looga saaray ciyaarta uu dhawaan xulkiisa Guinea la yeeshay Rwanda, kulan ka tirsan isreeb reebka koobka qaramada Afrika.

Xiddiga Reds ugu fadhiya 52.75-milyan ayaa garoonka laga saaray qeybta hore ee ciyaarta kaddib markii uu soo gaaray Dhaawac bowdada ah.

Jurgen Klopp iyo xertiisa ayaa wadnaha farta ku haya iyagoona sugaya tijaabooyinka la marsiinayo laacibka si loo ogaado haddii uu safan karo kulanka ay sabtida ku wajihi doonaan kooxda Huddersfield.

23-jirka ayaa dhawaan uun ka soo laabtay dhaawac dhabarka ah iminkana waxaa soo gaaray mid bowdada ah.

James Milner ayaa horey dhaawac uga maqnaa Liverpool waxaa sidoo kale dhaawacyo xulalkooda kala soo laabtay Maxamed Saalax iyo Virgil van Dijk, inkastoo la wariyay inay diyaar u noqon doonaan kulanka sabtida.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close