Arda Turan oo wajahaya XABSI 12-sano ah kadib markii lagu helay dambi culus!

(Istanbul) 16 Okt 2018 Xiddiga amaahda uga maqan kooxda Barcelona ee Arda Turan ayaa loo haystaa eedeyn culus oo keeni karta inuu galo xabsi dhan 12-sano.

31 jirkaan ayaa dagaal ku galay goob lagu caweeyo isbuucii hore, taas oo keentay in Arda Turan lagu soo eedeeyo arimo aad u culus.

Arda Turan ayaa loo haystaa inuu faraxumeeyay haweeney iyo inuu qal qal galiyay amniga guud ee dalka kadib markii lagu helay isaga oo haysta hub aan sharci ahayn.

Image result for Arda Turan

Laacibka ayaa isku dayay inuu xod xoto xaaska fanaan wayn oo aad looga jecel yahay dalka Turkiga arbacadii hore taas oo keentay in ay is fara saaraan isaga iyo fanaanka, Turan ayaana sanka ka jabshay fanaanka.

Fanaanka iyo xaaskiisa ayaa soo aaday isbitaal si loo dabiibo fanaanka, laakiin Arda Turan kama harin ee baskoolad ayuu madaxa ka saaray fanaanka taas oo ahayd mid aan sharciyaysnayn.

Arda Turan ayaana halkaas xabad ka riday taas oo aan cidna ku dhicin, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Turan uu wajahayo xabsi dhan 12-sano halka fanaanka isna uu mutaysanayo xabsi 2-sano ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close