Thomas Vermaelen oo la xaqiijiyay inuu seegayo kulamo muhiim u ah Barcelona

(Barcelona) 15 Okt 2018 Barcelona ayaa war rasmi ah ka soo saartay dhaawaca daafaceeda Thomas Vermaelen.

32 jirkaan ayaa ku dhaawacmay kulan xulka Belgium uu la ciyaaray Switzerland jimcihii, markaas oo uu dalbaday in badal lagu sameeyo.

Baaritaan saaka lagu sameeyay Thomas Vermaelen ayaa lagu ogaaday inuu dhaawac ka qabo lugta midig, taas oo keentay in la xaqiijiyo inuu garoomada ka maqnaanayo muddo dhan 6-isbuuc.

Kulamada uu seegayo Thomas Vermaelen ayaa kala ah Sevilla, Inter Milan iyo Real Madrid oo dhamaantoodba ay Barcelona ku ciyaari doonto Camp Nou.

Laacibka ayaa la filayaa inuu dib garoomada ugu soo laabto dhamaadka bisha November ee sanadkaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close