SAWIRRO NIYAD JAB KA MUUQDA: Maxamed Saalax oo u soo duulay England iyo Liverpool oo Wadnaha Farta ku heysa

(England) 15 Okt 2018. Maxamed Saalax ayaa u soo duulay dalka England kaddib markii uu dhaliyay Koorno toos ah ciyaartii saaxiibtinimo uu xulkiisa Masar la yeeshay Swaziland inkastoo dhaawac garoonka looga saaray.

Xiddiga qaab ciyaareedka liita ku jira kal ciyaareedkan ayaa Diyaaradii uu saarnaa ku soo galay Sawirro ay niyad jab ka muuqato.

Liverpool ayaa ka walaacsan xaalada dhaawac ee xiddigooda iyadoo tijaabooyin lagu marsiin doono xerada tababarka kooxda.

Jurgen Klopp oo farta wadnaha ku haya ayaa rajeenaya inuu helo adeega xiddigiisa marka ay la ciyaarayaan Huddersfield.

Maxamed Saalax ayaa ilaa iminka dhaliyay saddex gool oo qura 10 kulan uu ilaa iminka ciyaaray xilli ciyaareedka cusub dhammaan tartamada.

SAWIRRO:

 

Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close