Ramsey oo MATAANAYAAL jidka ugu soo jira dartood isaga reebay……

(Europe) 15 Okt 2018. Aaron Ramsey ayaa ka baxay liiska xulka Wales ee berito wajahaya Ireland tartanka Nations League sababo Qoys ahaaneed.

Xiddiga qadka dhexe ee Arsenal ayaa filanaya inay Mataanayaal dhawaan u dhasho xaaskiisa.

Ramsey ayaa sababtan darteed xitaa uga haray kulankii ay Gunners u safartay Azerbaijan.

Maqnaanshihiisa ayaa waxay dhabar jab ku noqon doontaa tababare Ryan Giggs maadaama ay horey xulka dhaawacyo uga maqnaayee Gareth Bale, Chris Mepham iyo Ethan Ampadu.

Ramsey ayaa goor dhaweyd ka dhawaajiyay inuu ka tagayo Arsenal marka uu qandaraaskiisu dhammaado kaddib markii uu bur-buray wada hadalada heshiiska loogu ballaarin lahaa.

Kooxo badan oo ay ka mid yihiin Chelsea, Juventus iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saaxiixa laacibka reer Wales.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close