Mata oo Digniin u diray kooxdiisii hore ee Chelsea

(Europe) 15 Okt 2018. Chelsea oo aan marna laga adkaan Premier League kal ciyaareedkan cusub ayaa mininkeeda Sabtida kula balansan Manchester United oo jahwareer ku jirta.

Xiddigeedii hore ee Juan Mata ayaa fariin Digniin ah u soo diray kooxdiisii hore isagoona u sheegay inay Guul uun u imaanayaan gegada Stamford Bridge.

“Shaki la’aan kulan gaar ah ayuu ii noqon doonaa ciyaarta Chelsea vs Manchester United,” Mata ayaa sidaa ku soo qoray boggiisa.

Picha inayohusiana

“Innaga ahaan wuxuu inoo noqon doonaa tijaabadii ugu horreysay ee kulamo adag, laakiin waxaan rajeynaynaa inaan ku ciyaarno heer sare isla markaana aan guul kula soo laabano hoygeena.

“Waxaan ku dhammeysan doonnaa Oktoobar innagoo Old Trafford ku soo dhaweynayna Juventus iyo Everton .

“Waa kulamo waydiisanaya kubbadeena cagta ee ugu fiican.”.

Manchester City, Chelsea iyo Liverpool ayaa wada leh min 20-dhibcood  horyaalka Premier League halka Manchester United ay ku jirto kaalinta 8-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close