Guardiola oo magacaabay AFAR kooxood ee ku guuleysan karta xili ciyaareedkan tartanka Champions League

(Manchester) 15 Okt 2018. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa magacaabay afarta kooxood ee la filayo in xili ciyaareedkan ay ku guuleysan karaan tartanka UEFA Champions League.

Guardiola ayaa u sharaxay kooxaha Real Madrid, Barcelona, ​​Juventus iyo Atletico Madrid inay ku dagaalami doonaan Champions League xili ciyaareedkan 2018/2019.

“Ma hubo sida ay u adag tahay, laakiin ma heysano taariikhda ay heystaan kooxo fara badan”.

“Sanadihii ugu danbeeyay, Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa muujiyay kartidooda iyo awoodooda inay ku guuleysan karaan tartanka UEFA Champions League si la mid ah Atletico Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close