“Waxaan jeclaa inaan ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo” – Vinicius Junior

(Madrid) 14 Okt 2018 Da’yarka ku cusub Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa ka shalaaysan in Ronaldo uu ka tagay kooxda waqtigii uu yimid.

18 jirkaan reer Brazil ayaa dhamaystiray ku biiridiisa Real Madrid suuqii xaggaaga, markaas oo Ronaldo uu ku biiray Juventus.

Inkasta oo rajadiisii aysan u suurogalin ayuu qirtay inuu aad u jeclaa ka garab ciyaarida xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Vinicius Junior oo hadlay ayaa yiri:

“Waxaan jeclaa inaan ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo, laakiin haatan waxaa igu hareereysan halyeeyada adduunka”.

“Waqtigaan waa in aanaan ka hadlin isaga, waxaan ka hadli karnaa ciyaartoyda kale sida Karim Benzema”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close