Shaqada Joachim Low ee xulka Germany oo halis ku jirta iyo hal kulan oo loo qabtay

(Berlin) 14 Okt 2018 Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa wajahaya culays uga imaanaya dhanka xiriirka kubadda cagta dalkaas.

Xulka qaranka Germany ayaa xalay loogu awood sheegtay 3-0 kulan ay la ciyaareen xulka qaranka Holland.

Waxayna talaadada la ciyaarayaan xulka qaranka France kulan ka tirsan Nations League, kulnkaas ayaa lagu go’aamin doonaa mustaqbalka tababare Low.

TuttoMercato ayaa daaha ka qaaday in haddii guul daro ay soo gaarto xulka Germany talaadada in tababare Joachim Low laga cayrin doono shaqada xulka Germany.

Joachim Low ayaa shaqadiisa ku badbaadsan kara oo kaliya guul uu xulkiisa ku hogaamiyo talaadada kulanka ay la ciyaarayaan France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close