Sarri oo kooxdiisa Chelsea ka dalbaday in marka uu Suuqa furmo loo keeno Weeraryahankan….

(London) 14 Okt 2018. Tababare Maurizio Sarri ayaa kooxdiisa Chelsea u sheegay in weeraryahanka naadiga Genoa ee Krzysztof Piatek uu yahay bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa marka uu dib u furmo bisha Janaayo.

Piatek oo suuqii xagaaga uun soo cago dhigtay Genoa ayaa wacdaro waali ah ka dhigaya horyaalka Serie A kaddib markii uu 9-gool ku dhaliyay 7-kulan iyo waliba 13-gool guud ahaan tartamada Yurub.

Afar gool ayuu uga shubay naadiga Lecce kulan ka tirsanaa Coppa Italia, waxaana taa u dheer inuu gool dhaliyay kulan kasta oo ka tirsan horyaalka kal ciyaareedkan kulamadii ilaa iminka la soo ciyaaray.

epa07059042 Genoa's Krzysztof Piatek (C) celebrates after scoring during the Italian Serie A soccer match between Frosinone Calcio and Genoa CFC in Frosinone, Italy, 30 September 2018. EPA/FEDERICO PROIETTI

Genoa ayaa ka fikireysa in weeraryahankeeda ay dul dhigto adduun dhan 60-milyan, warsidaha Express ayaana sheegaya in Sarri ay ka go’antahay sidii uu ku soo xero galin lahaa Krzysztof Piatek.

Tababaraha reer Talyaani ayaa doonaya inuu Cadaadiska dhanka gool dhalinta ka qaado Eden Hazard oo hogaaminaya iminka gool dhalinta Premier League maadaama ay qaab ciyaareed liita ku jiraan weeraryahanadiisa Alvaro Morata iyo Olivier Giroud.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close